USA, 9 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Nin Muslim Ah Oo Haysta 30 billion Dollar Ayaa Aad U Murugeysan Ka Dib Markii Maalkiisa Lagu Sheegay 9.6 Billion Dollar.

Waleed Bin Talaal oo ka tirsan boqortooyada Sucuudiga ayaa dacwad ku soo oogay wargeyska ka hadla arimaha ganacsiga ee Forbis. Amiirka ayaa ku eedeeyey wargeyska inuu been ka sheegay hantidiisa, isla markaana liiska tijaarta dunida meel hoose oo aanu u qalmin lagu qoray. Wargeyska Forbes ayaa lagu qoray in Waleed haysto 9.6 billion, laakiin waxaa ka carooday Waleed oo sheegay in hantidiisu ku dhowdahay 30 billion sidaa darteed uu yahay ninka 26aad ee aduunka ugu qanisan.

Amiirka Waliid wuxuu sheer ku leeyahay kambaniga Apple, Foxnews TV, iyo Twitter, wuxuu kaloo leeyahay Hotelka weyn ee Savoy oo London ku yaala, iyo meel laga dukaamaysto oo New York ku taala. Dacwadan oo amiirku ka furay maxkamad london ku taala wuxuu dacwoonayaa in sharaftiisii iyo hantidiisiiba hoos loo dhigay. Amiirkan 58 jirka ah waxaa lagu xusuustaa 2011 markii uu 10 milyan ugu deeqay dadkii wax ku noqday Sep.11, laakiin deeqdiisii waxaa wejiga kaga dhiftay oo ku diidey maayarkii New York oo la oran jirey Guliani, ka dib markii amiirku sheegay in Falastiin arinteeda laga yaabo inay sabab u tahay Sep 11.

Amiir Waliid ayaa la saadaalinayaa inaanu waxba ka faa'iideyn dacwadan, sida keliya ee uu kaga guulaysan karo wargeyska ayaa la sheegay inay tahay inuu cadayn keeno ah in qoraalka wargeysku uu qasaare dhaqaale u keenay amiirka


Yaasiin AlMakhzuumi
yaasiin@alldhooftinle.com