Hargeysa,1 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Baarlamaanka Somaliland Oo U Af Duuban Xisbiga Wadani Ayaa Qarka U Saaran In Gebi Ahaantiisba Albaabada Loo Xidho.


Beryahan waxaa ka jiray loolan siyaasadeed oo dhex ka taagan xubnaha Baarlamaanka ee Somaliland, kuwaas oo ku kala qaybsan sidii Baarlamaanku u shaqayn lahaa iyo weliba Xisbiyada Somaliland oo aragti kala duwan ka qaba.

Wiigagii ina soo dhaafay ayaa gebi ahaanba la bedelay gudi hooseedyadii hore ee Baarlamaanka Somaliland oo dhammaan codadka ugu badan ay heleen koox taageersan gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mr. Cabdiraxman Ciro, oo iyaguna isla markiiba bedelay qaab dhismeedkii golaha.

Kooxda Cirro waxyaaba badan ayey islamarkiiba beddeleen sida in magaca Shirgudoon la baabi'iyo oo ay ka dhigeen Gudoomiye Baarlamaan, labada kuxigeena awoodoodii la dhimo iyo weliba in labada kuxigeen kuraastooda laga qaado halkii ay ooli jireen oo ah gudoomiyaha dhinaciisa lana keeno halka xubnuhu fariistaan, loona daayo miiska hore keliya Gudoomiyaha.

Arintaas waxa aad uga xanaaqay labadii kuxigeen iyo xubno ka soo jeeda xisbiga talada haya ee Kulmiye oo iyaguna shirar toosa la galay Madaxweyne ku xigeenka Somaaliland Mr. Saylici ,iyo xubno Wasiiro ah, waxayna ka wada hadleen sidii loo qaadici lahaa arintaas Baarlamaanka ka dhacday oo ay u arkaan inay tahay mid lagu majaxaabinayo qaranka Somaliland, isla markaana waxay go'aansadeen in buuq iyo qaylo laga bilaabo Baarlamaanka dhexdiisa, si xukuumadu askar u keento ,loona joojiyo fadhiyada Baarlamaaanka.

Mr. Cabdiraxman Ciro ayaa waxuu isku haystaa laba jogo oo ah inuu yhaay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, waxuuna awood badan ku leeyahay xubnaha Baarlamaanka oo inta badani isaga ayey taageersan yihiin, taasina waxay u fududeyn kartaa xataa inay mooshin ka dhan ah Madaxweyne Siilaanyo keeni karaan.

Isku soo wada duuboo Baarlamaanka Somaliland ayaa qarka u saaran in gebi ahaantiisba albaabada loo xidho.





Cantar-AlMakhzuumi
cantar-almakhzuumi@alldhooftinle.com