Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Ceerigaabo, 22 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Dadweynaha Deggan Magaalada Ceerigaabo Ayaa Aad U Qoslaya Iyagoo Isla Dhex Maraya In Magaalada La Soo Geliyey Dumar Laga Keenay Qaaradda Aasiya.


Magaalada Ceerigaabo ayaa waxa ka taagan qalalaase aan yareyn. Dhibta waxa keenay ka dib markey dadweynaha magaaladu ka war heleen in magaalada la soo geliyey haween laga keenay Qaarada Aasiya.

Haweenkaa waxa la leeyahay magaalada waxa loo keenay in la guursado iyo weliba in qofkii guursadana la siin doono lacag dhan kun ilaa laba kun oo doolar. Waxa la leeyahay lacagtaa waxa bixinaya Hay'ado.

Huteeladii magaalada Ceerigaabo ayaa dadweynuhu aad u hor tuban yihiin maanta iyagoo wada lacag iyo guur doon ah. Hoteelka weyn ee Abdulqaadir Xirsi Shamad (Dhulbahante) ayaa isagu askar fara badan dalbaday, ka dib markii magaaladii oo wada guureysa soo buux dhaafsheen iridihii huteelkaa si ay wax uga helaan dumarkaa oo ay rumeysan yihiin in qaarkood lagu hayo huteelkaa.

Dadweynuhu waxay leeyihiin dadka waxa la tusayaa kabo ay leeyihiin haweenkaasi, deetana ninku kabta uu doorto ayaa inanta ama islaanta leh lagu wareejinaya.

Qolooyinka reer Khaatumo waxay iyagu qabaan iney hablihii oo dhan oolreydhi Habar-Yoonistu qaadatay oo hadda waxa hadhsani ay yihiin islaamihii. Reer Maakhir waxay iyagu qabaan mar haddey lacagi la socoto dumarka inaaney dan iyo heello toonna ka lahayn habar iyo gabadh hadba tey helaan.

Waxa la leeyahay, Habar-Jecladii magaalada Ceerigaabo deganeyd iyagu mooshin kale ayey wadaan, waa cadheysan yihiin oo waxay magaalada la dhex wareegayaan maykarafoono iyagoo arrintaa iyo sheekadaaba beeninaya iyo iyagoo u haysta inay arrintaa ka dambeeyaan Mucaaradka Siilaanyo, waa Habar-Yoonista eh, si khalkhal loo geliyo Dawladda Siilaanyo (Habar-Jeclo).

Waxa iyaguna aad u xanaaqsan haweenkii ku noolaa Ceerigaabo, iyagoo ka xanaaqsan dumarkaa aan Soomaalida ahayn ee laga soo waaridayo debedaha ee ku cidhiidhyaya suuqyada guurka.

Mar uu alldhooftinle.com la xidhiidhay telefoonka 252907776084 ee uu leeyahay ninka la yiri haweenkaas ayuu soo waaridey ee Cabdi Kuus, waxa naloo sheegay iney arrintaasi hadda dhammaatay oo lagu kala tegey.

Alldhooftinle ma garanayo waxa loola jeedo "iney arrintaasi hadda dhammaatay oo lagu kala tegey", ma kala garaneyno in lagu kala tegey mashruucii oo haweenkii iyo lacagtiiba la dhammeystay iyo in lagu kala tegey oo layska kala tegey ka dib markii mashruucaa la gaadhi wayey guntiisii.


Shanfara Bin Jacfar AlMakhzuumi
shanfara@alldhooftinle.com