Taleex, 6 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Liibiya Oo Gebi Ahaanba Laga Burburiyey Hubkeedii Kiimikada Ahaa

Dowlad ku sheega itaalka daran ee Liibiya ayaa sheegatay iney soo afjartay burburinta keydka hubkeeda kiimikada ah, burburintaasi oo ay soo bilowday sanadkii 2004-ta,xiligaas oo ku beegnayd waqtigii uu ka talinayey Liibiya Madaxweynihii hore ee Mucamar Al Qadaafi.

Shir jaraa'id oo ay ka qeyb galeen ergo sare oo ka socota Beesha Caalamka, oo xalay lagu qabtay caasimadda Tripoli, ayaa shaaca looga qaaday soo afjaridda burburinta keydka hubka kiimikada ee Liibiya.

Burburinta hubka kiimikada ah ayaa waxaa Liibiya gacan ka siiyay waddamada Maraykanka, Jarmalka iyo Canada.

Agaasimaha Guud ee hay'adda mamnuucida hubka kiimikada, Ahmet Uzumcu, oo shirka jaraa'id ka hadlay ayaa tallaabada ku tilmaamay hormar wanaagsan oo ay ku dhaqaaqday Liibiya,waxuuna intaa ku daray in ay tusaale wanaagsan u tahay iskaashiga caalamiga ah ee hubka kiimikada ah ,ee hada ka socda waddanka Suuriya.


Shanfara AlMakhzuumi
shanfara@alldhooftinle.com