Boosaaso, 12 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Dhalinyaradu Waxay U Haysataa Facebook Iney Iyaga Keliyi Galaan, Taasina Dhib Weyn Waa U Keeni Kartaa.

Tuugtii ugu fariidsaneyd - iyaga caqligooda- ayaa wiigan lagu qabtay magaalada Pittsburg ee gobolka Pennysylvania, dalka Maraykanka.

Tuugtan oo afar ahayd waxay iska qaadeen sawiro ay isku sawirayeen lacagtii iyo alaabtii kalee ay xadayeen iyagoo weli ku jira dukaankii ay jabsadeen, isla habeenkiiba waxay soo geliyeen facebook.

Tuugtaa oo da'doodu u dhexeysay 14 jir ilaa 18 jir waxaa la qabtay sadex ka mid ah, halka kii afraadna baxsad yahay oo ilaa hada la raadinayo.

Sawirada ay soo geliyeen facebook ayaa u sahlay booliiska inay isla maalintaa soo qabtaan. Mar la weydiiyey sababta ay sawiradooda facebook u geliyeen waxay ku jawaabeen ma fileyn in booliisku ay galaan ama ogaan karaan waxa ku jira facebooka taasoo ka yaabisay dad badan.

Ninka haysta booliiska magaalada Pittsburg oo la yiraahdo Kevin Gasiorowski ayaa uga mahad celiyey dhalinyaradan inay sawiradooda soo dhigeen barta facebook, isla markaana ay u howl yareeyeen booliiska inay si fudud u aqoonsadaan tuugta. Dhalinyaradan ayaa ka dhacday dukaanka ay jabsadeen lacag dhan iyo sideed kun doolar iyo alaab lagu qiimeeyey afar kun oo doolar.


.
Jar-Caleed AlMakhzuumi
jar-caleed@alldhooftinle.com