Laascaanood, 5 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Neloson Mandela Oo Hantidiisii La Dhaxlaayo,Iyadoo Lagu Qiyaasay $5 Milyan

Madaxweynihii hore ee South Africa Nelson Mandela ayaa lagu soo waramaa inuu ka dhintay guryo badan oo hanti ah laguna qiyaasay ilaa $5Milyan,taasoo soo baxday laba bilood ka dib dhimashadiisii,waxaana kala qaybsan doona Reerkiisa,Saaxiibadiis,Iskuulada, iyo ANC sidaas waxaa ku dardaarmay Nelson Mandela.

Qareenkii Mandela ayaa sheegay in xaaskiisii Graca Machel ay heli doonto inta badan handtidaas uu ninkeedii uga dhintay,waxaana suura gal ah inay hesho afar guri oo ku yaal Mozambique,sida ku qoran buugii uu ka tegayna waxaa lagu sheegay in mashaariicdiisii iyo guryahiisii ku yaalay magaalooyinka , Johannesburg,Cape Town, Qunu,iyo Mtatha uu siiyey Reerkiisa oo dhan,weliba kuwa ku yaal Johannesburg ay noqonayaan meesha lagu aaso qofkii ka dhinta reerkiisa.

Mandela caruurtiisa ayaa lagu leeyahay lacag deyn ah oo ay qaateen waqtigii uu noolaa taasoo gaadhaysa $300kun midkiiba,haday lacagtaas iska bixin kari waayaana waxay u badan tahay in laga dhaafo deyntaas.

Isku soo wada duuboo Mandella dardaarankiisa markii ugu horeysey waxuu qoray sanadkii 2004, hadana waxuu dib u habayn ku sameeyey sanadkii 2008,lamana oga inay ku heshiin doonaan labada Reer ee Mandala iyo Xaaskiisu ka soo kala jeedaan.


Shanfara AlMakhzuumi
shanfara@alldhooftinle.com