Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Ceerigaabo , 19 Mar 2014 (Alldhooftinle.com)
Dhulbahantihii Reer Sanaag Ayaa Waxay Wacadaro ka Muujiyeen Dhammaan Goobihii Siilaanyo Lagu Soo Dhoweynayey.

Beesha Koonfurta Sanaag ee Dhulbahante ee degan gudaha magaalada Ceerigaabo ayaa waxay noqotay Beeshii ugu soo dhowaynta wanaagsanayd booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Ahmed Siilaanyo iyo weftigiisu ay ku yimaadeen magaalada Ceerigaabo.

Beeshan Dhulbahante oo aan u kala hadhin soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa ka qayb qaatay, Isimo, Waxgaradka, Xildhibaano, iyo bulshoweynta kale oo isugu jirtay dumar iyo caruur. Fardihii Jiidali iyo Masagan daaqi jirey ayaa iyaguna dhinac socday oo soo dhoweynta qayb ka ahaa.

Siyaasiyinta iyo Cuqaasha Beeshan Koonfurta Sanaag ayaa u sheegtay Madaxweynaha Somaliland inay hiil iyo hoo la garab taagan yihiin horumarka Ceerigaabo, ayna adkaynayaan nabadgelyada, iyo wad jirka.

Beeshan Dhulbahante ayaa soo bandhigtay boodhadh waaweyn oo ay ku qoran yihiin Mudane Madaxweyne ku soo dhowow Koonfurta Sanaag, halka Beelaha Sanaag Bari ay iyagu ka xanaaqaan inay degan yihiin Sanaagta Bari.




Shanfara Bin Jacfar AlMakhzuumi
shanfara@alldhooftinle.com