Ceerigaabo, 10 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Gobolka Arkansas Ee Dalka Maraykanka Ayaa Waxa Ka Taagan Dagaal Aad U Qadhaadh Oo Ku Saabsan Diinlaawayaasha Oo Weerar Ba'aan Ku Soo Qaaday Kiristaanka

Dagaal iyo dood ayaa ka dhex dilaacday kiristaanka iyo diin laawayaasha gobolka Arkansas ee dalka Maraykanka. Iska hor imaadkan ayaa bilowday ka dib markii diinlaawayaasha (athiest) ay bilaabeen inay xayaysiis ku qortaan basaska iyo meelaha faras magaalaha ah magaalada Little Rock oo ah magaalada ugu weyn gobolka Arkansas.

Diin laawayaasha ayaa lagu qaaliyeeyey xayaysiiskooda maadama caymis loo baahan yahay hadii ay dhibaato dhacdo oo dad cadhaysani soo weeraraan basaska xayaysiinaya diin la'aanta, sidii ka dhacday gobolo badan oo Maraykanka ah oo la weeraray basaskii xayaysiisku ku qornaa.

Dadka ay madax martay Kiristaanimadu ayaa bilaabay olole ay kaga hor tegayaan diinlaawayaasha oo beryahan danbe ku soo badanaya Maraykanka waxayna sheegeen inay dagaal af iyo adinba ah la geli doonaan dadka aan waxba rumaysnayn.

Dagaalkan ayaa sii xoogaystay ka dib markii diin laawayaashu ay dacwad ku fureen magaalada Little Rock iyagoo ku dacweynaya in kaniisadaha iyo diimaha xayaysiiskoodu bilaash yahay laakiin iyaga lacag qaali ah laga qaaday, waxay ku doodayaan inay yihiin koox diineed sidaa darteed loola dhaqmo sida kaniisadaha oo kale..

.
Alkhaalidi AlMakhzuumi
Alkhaalidi@alldhooftinle.com