Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Benqaazi,16 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Gaadh-Hayaha Jeelasha Liibiya Waa Iska Seexdaan.

Maxaabiista ayaa jeelasha Liibiya si fudud uga baxsada, sababtoo ah gaadh-hayaha oo aan si fiican u tababarnayn iyo iyadoo maxaabiis badan ay gaadhka ka haynayaan mid ama laba gaadh-haye.

Xoghayaha dowlada hoose ee magaalada Zliten, Hassan Bin Sophia ayaa cadeeyey in wiigan 92 maxbuus oo isugu jirey, kuwo denbiyo loo haysto iyo kuwo u xidhnaa arimo siyaasadeed ay kadinka boobeen ka dib markii ay gaadhkii u sheegeen in mid ka mid ahi u baahan yahay dhaqtar,deedna markii albaabka laga furay ay jiidheen waardiyihii, dhamaantoodna baxsadeen.

Mr. Hassan ayaa sheegay in 19 ka mid ahaa maxaabiistaas dib loo soo qabtay oo labo dhaawac yihiin, inta kalena ay la xidhiidheen eheladooda si ay ugu soo celiyaan gacanta askarta, iyadoo weliba la sheegayo in dhowr Reer ay iyagu ku soo celiyeen ragoodii xabsigii ay ku xidhnaayeen.

Xaalada xabsiyada Liibiya ayaa ah mid aad u liidata tan iyo markii wadanka lagala wareegay Muhamar Al Qadaafi, bishan horaanteediina waxaa isla jeelkan ka baxsaday 55 maxaabiis ah, oo aan lahayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.


Axmed Aljacfari
axmed@alldhooftinle.com