Garoowe, 7 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Maanta Hawiye Yaa Isku Halleyn Kara! Madaxdii Iyo Isimadii Puntland Waxay Muqdisho Kala Degeen Iyagoo Watta Ciidamo Iyo Hub Lixaad Leh.

Wefti aad u balaadhan ayaa ka soo kicitimay Caasimada Maamulka Puntland ee Garoowe, weftigaas oo hogaaminaayey Madaxweyne Gaas ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxdii hore ee soo martay Madaxtooyada Puntland iyo Isimo dhaqameedyo tiro badan, iyo weliba Saraakiil Ciidan.

Weftigan oo aad u fara badnaa ayaa waxay ka qayb geli doonaan Aaska Raysal-Wasaarihii hore Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Weftigan loo xulay inay aaskaas ka qayb galaan ayaa laga dhadhansan karaa mid dhoolatus ah, marka loo eego raga meesha maraaya oo ah weftigii ugu xooga badnayd Puntland oo ka dega Muqdisho iyo weliba ciidanka iyo hubka ay wattaan.

Weftiyo badan oo kala duwan ayaa la filayaa inay Muqdisho u yimaadaan aaska Marxuumka oo maalinta Jimacaha la aasi doono.


Garad AlMakhzuumi
garad@alldhooftinle.com