Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Ressi Medri (Eritrea), 26 Mar 2014 (Alldhooftinle.com)
Haweeney 56 Jir Ah Oo Ingiriis Ah Ayaa Raadinaysa Nin Ay Dhali Karto Oo Khiyaameeyey.

Haweeney 56 jir ah oo Ingiriis ah ayaa raadinaysa nin ay dhali karto oo khiyaameeyey. Jane Cole oo muraara dilaac ah, ayaa sheegtay inay 28 jir reer Nayjeeriya ah oo la yiraahdo Michael isku barteen dalka Gaambiya oo Afrikada galbeed ku yaala, wuxuuna markiiba iga codsaday inaan is guursano aniguna kama diidin ayay tiri.



Iyadoo ka murugaysan khiyaamada uu kula dhaqmay ayay tiri "Wuxuu igu qasbay inaan Ingiriiska nimaadno, aniguna waan ka warwareegey waayo shaqa fiican ayaan ku haystay Gaambiya, Markuu iga dayn waayey ayaan ka qabalay inaan shaqadii iskaga soo tago isagana Ingiriiska keeno"

Haweeneydan oo ilmo indhaheeda ka socoto ayaa sheegtay inuu bilaabay markii uu London yimi inuu dhuunto, marmarna wiigag aanan arkin, ilaa maalintii danbe aan wacay number ku jirey telefoonkiisa gacanta, ayna ii sheegtay inuu qabo oo ay tahay xaaskiisii.

"Noloshaydii ayuu ku ciyaaray, dhaqaale ahaan iyo maskax ahaanba waan u baaba'ay, xitaa waxaan dhowr jeer ku fekerey inaan is dilo ayay tiri Jane Cole. Waxaa caan ah oo beryahan danbe soo badaneyey dadka la isticmaalo iyagoo lagu danaysanayo. Daraasad ay soo saartay dowlada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in sanad kasta kun qof oo Ingiriis ah guur khiyaamo ah lagu sameeyo.



Nagaashi Bin Jacfar AlMakhzuumi
nagaashi@alldhooftinle.com


Ressi Medri Waa Meel Ka Mid Ah Dekedda Magaalada Masawac Ee Eritrea, Waxa Meeshaa Ku Yaal "Ressi Medri Masjid". Masjidkaa Waxa La Sheegay Iney Dhisteen 615 C.D. Asxaabtii Ugu Horreyntii U Soo Haajiri Jirtey Ardul Xabash.