Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Balli-Cabane, 28 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Joe Newman Oo 101 Jir Ah Ayaa U Tartamaya Inuu Ka Mid Noqdo Kongareska Maraykanka.

Ninkan da'da ah ayaa ku doodaya in caafimaadkiisa iyo waaya aragnimadiisuba ay u sahlayaan inuu u adeego dadka Maraykanka ah. Gobolka Florida oo ninkani degan yahay ayaa dadweynuhu ku kala qaybsan yihiin aragtiyaha ay ka qabaan odaygan boqolka dhaafay.

Dad fara badan ayaa ku doodaya in la doorto iyagoo sabab uga dhigaya inuu waaya arag yahay, laakiin dadka kasoo horjeeda ayaa ku doodaya inuu howl gab yahay isla markaana aanay maskaxdiisu qaadi karin wareerka iyo dawakhaada siyaasada. Joe Newman wuxuu toban sano ka weyn yahay ninka ugu weyn kongareeska oo la yiraahdo Ralph Hall oo jira 90 sano.

Odaygan 100 jirka siyaasiga ku noqday waa tafiirtii labaad ama generationkii labaad qoys ka soo guuray Russia qarnigii la soo dhaafay. Wuxuuna ku hanweyn yahay inuu jebiyo rikoodhka da'da ee u yaalay kongareeska. Waxaa ugu da' weyneyd kongareeska haweeney la oran jirey Elizabeth Hawley oo 103 jir ku dhimatay sanadkii 1989. Odaygan oo Republican ama xisbiga Jamhuuriga ah ka tirsan wuxuu ku qanacsan yahay inuu guuleysanayo.

"Waa ogahay in dad badani oranayaan waa boqol jir waalan, laakiin sharcigee ka mamnuucay 100 jirka in la doorto" ayuu yiri Joe Newman.


Cali_Faqash Bin Jacfar AlMakhzuumi
Cali-Faqash-almakhzuumi@alldhooftinle.com