USA, 4 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Sharaabka Kaadida Lo'da Ayaa Waxa Soo Saareysa shirkadda Rashtriya Swayamsevak Sangh

Waxaan wada ognahay in Hindida qaybo ka mid ahi qadisaan lo'da, laakiin waxaa kaloo jirta inay daawo ahaan u isticmaalaan kaadida iyo dhiiga lo'da.

Magaalada Agra oo ku taala woqooyiga Hindiya, ayaa ugu caansan meelaha loo doonto kaadida lo'da si loogu caafimaado.

Dadkaas kaadida cabayaa waxay ku doodayaan in ay ka daweyneyso xanuuno ay ka mid yihiin macaanka, tiibiida, kansarka, iyo weliba gabowga.

Nin ku shaqaysta xirfadan oo la yiraahdo Singhal ayaa sheegay inay waqti dhow saynis ahaan u cadayn doonaan faa'iidada ku jirta cabista kaadida lo'da wuxuuna sheegey in qofkii heli karayaa uu subax walba u baahan yahay koob buuxa oo kaadi lo'aad ah.

Dad badan oo Hindi ah ayaa ka horjeeda figradan, kuna doodaya in aanay macquul ahayn in kaadi lo'aad laysku daweeyo, waxaase arintan sii dardar geliyey shirkad la yiraahdo Rashtriya Swayamsevak Sangh oo soo saaraysa sanadkan dhamaadkiisa soft drink ama cabitaan laga sameeyey kaadida lo'da. Shirkadan ayaa ku doodaysa inay soo nooleynayso Hinduunimadii oo sii dhimanaysa..





Yaasiin AlMakhzuumi
yaasiin@alldhooftinle.com