Pakistan, 3 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Dad Rayid Ah Lagu Qarxiyey Meel Filimada Lagu Daawado Oo La Yiraahdo Qisas Khawani Bazaar

Dalka Pakistan wararka ka imanaya ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay, 30 kalane waa ku dhaawacmeen Ka dib markii dad rayid ah lagu qarxiyey meel Filimada lagu daawado oo la yiraahdo Qisas Khawani Bazaar.

Dadkan daawanaayey Filimka oo gaadhaadhaayey 150 qof ayaa lagu qarxiyey laba Bomb gacmeed , oo gebi ahaanba burburiyey dhismihii Shaneemada.

Sarkaal sare oo u hadlay Policka dalka Pakistan ayaa sheegay in Bamb gacmeedku ahaa mid lagu sameeyey dalka China, isla markaana uu khasaare badan geystey.

Jamil Shah oo dhaqtar ka ah Cisbitaalka guud ee Pashawar ayaa isaguna sheegay inay dhimashada iyo dhaawacuba ka badan doonaan Iinta hada la og yahay , sababtoo ah buu yiri dadka meesha ku jiray oo aad badnaa awgood.





Garad AlMakhzuumi
garad@alldhooftinle.com