Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Khawarizam, 23 Mar 2014 (Alldhooftinle.com)
Waa Inaaney Haweenku Qaadan Nigisyada Si Ay Barakadu U Gasho! Waqti Kasta Wadaadada Diinta Kiristaanku Wax Cusub Ayey Ku Soo Biiriyaan Diintooda.

Wadaad Kiristaan ah oo la yiraahdo Reverend Njohi madaxna ka ah kaniisada Redemtion Church oo ku taala magaalada Nayroobi ayaa soo saarey amar ah in dumarka kaniisada imanaya aanay soo gashan karin nigis ama kastuumo, taasoo dad badan ka yaabisay.

Waxa taa ka sii darnaa markii uu raaciyey sababta uu go'aankaa u soo saarey, wuxuuna isagoo dumarkii u khudbadaynaya yiri, "Jesus si fudud ayuu idiin geli karayaa hadaydaan xidhnayn dharkaa aan idinka mamnuucay."

Wargeyska The Kenyan Daily Post oo wareystay wadaadkan ayaa weydiiyey meesha uu ka keenay figradan, Njohi ayaa sheegay in dharka laga hoos xidhanayo dharka sare ay yihiin kuwa celinaya in barakadu gasho jidhka sidaa darteedna ilaa intii aan amarka soo saaray dumarkii u hogaansamay oo dhami waxay dareemeen barako iyo in Jesus si fudud ku galay.

Waxaa la sheegay in dumarkii ku xidhnaa kaniisada badankooda ay qaateen amarkii wadaadka, laakiin waxaa jira kuwa diidey isla markaana joojiyey tegida kaniisadda.

"Nimanka laguma amrin inay is qaawiyaan, maxaa dumarka keliya loogu amray inay is qaawiyaan," waxaa sidaa ku dooday gabadh 26 jir ah oo sheegtay inay joojisay tegista kaniisada uu Njohi madaxda ka yahay.



Tajuddin Bin Jacfar AlMakhzuumi
Tajuddin@alldhooftinle.com