Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Kazimar Periya Pallivasal, 15 Mar 2014 (Alldhooftinle.com)
Haweeneyda Linda Kumba Isatu Ngaujah Ayaa Ku Doodeysa Inay Dhimatay Oo Cadaabta La Geeyey Ayna Fariimo Ka Soo Qaaday Dad Ay Naarta Kula Kulantay.

Haweeney 28 jir ah una dhalatay dalka Siira Liyoon magaceedana la yiraahdo Linda Ngaujah ayaa dood iyo fajac ka abuurta dalka Siira Liyoon. Haweeneydan ayaa ku doodeysa inay dhimatay isla markaana cadaabta la geeyey ayna soo aragtay waxyaabo badan. Waxay kaloo fariimo ka soo qaaday dad ay naarta kula kulantay. Waxay sheegtay inay la sheekeysatay hogaamiyihii Liibiya Qadaafi oo cadaabta lagu rogrogayo, markii aan u sheegay inaan Freetown ka imi wuxuu iga codsaday in la dumiyo masaajidka uu ka dhisay Freetown laguna bedelo kaniisad. Waxaan kaloo naarta kula kulmay ayay tiri Madaxweynihii hore dalka Gini oo la oran jirey Lansana Conte, wuxuuna iga codsaday in dhamaan masaajidada ku yaala dalka Gini loo bedelo kaniisado. Mar la weydiiyey inay dad kale naarta ku aragtay ayay ku jawaabtay " Waalidkay ayaan ku arkay, niman badan oo baarlamaanka ku jirey ayaan arkay, waxaanse ka naxay haweeneydii madawga ahayd ee heesi jirtey Whitney Houston oo si xun loo cadaabayey.

Haweeneydan ayaa sheegtay in Kiristaanka Kootaliga ahi uu yahay kan gelaya naarta halka ugu hooseysa, arintaasoo ka cadhaysiisey Kootali badan.

Ninka ugu sareeya Kiristaanka wadankaa oo la yiraahdo Archibald Cole ayaa ugu baaqay dadka ku nool wadankaas in aanay dheg jalaq u siin haweenaydaas oo uu ku tilmaamay inay waalan tahay.

Madaxweynaha dalkaas Ernest Bai Koroma oo Kiristaan ah ayaa isna diidey inuu la kulmo haweeneydan oo sheegtay inay fariimo muhiima uga soo qaaday aakhiro. Waxaa marba marka ka danbeysa sii kordhaya dadka dhegeysanaya hadalkeeda, iyadoo wadooyinka iyo meel walba ka jeedisa khudbado ku saabsan fidinta dacwadeeda.

Dalka Siira Liyoon 71% ayaa ah Muslimiin, inta soo hadhayna waxay isugu jiraan Kiristaan iyo diin laawayaal.


Tajuddin Bin Jacfar AlMakhzuumi
Tajuddin@alldhooftinle.com