Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Ceerigaabo, 23 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Ra'isal Wasaarihii Hore Ee Ukraine Oo Xabsiga Laga Soo Daayey.


Ra'isal Wasaarihii hore ee wadanka Ukraine, Yulia Tymoshenko, ayaa laga soo daayey jeelkii lagu xidhay Laba sano iyo badh ka hor iyadoo xilka lagaga qaaday xil gudasho la'aan, isla markaana heshiis buuxa ka gaadhi weydey waqtigeedii gaaskii dhuumaha Ruushka ee dalkaasi maraayey.

Wax yar ka dib markii xilka laga qaaday Madaxweynihii wadanka Ukraine Mr. Victor Yanukovic oo isagu hada ku sugan magaalada dhinaca bari kaga taal wadanka Ukraine oo la yiraahdo Kharkiv ayaa Yulia oo saaran kursiga curyaamiinta dhabarkana ka cabanaysa a khudbad dheer ka jeedisey fagaaraha Kiev's Independence Square oo ay isagu soo baxeen in ka badan 50.000 oo dadkii mudaharaadaayey ah,

Yulia oo daal badani ka muuqdo ayaa shacabkii isu soo baxay u sheegtay inay yihiin Halgamayaal abaabulay banaanbixii keliya ee dalku u baahnaa, rideyna keligii taliyihii wadanka Ukraine, mana haboona bay tiri inaad halkan Independence Square ka tagtaan idinkoo aan gaadhin hadafkiinii aad bilowdeen.

Dhanka kale Baarlamaanka Ukrain oo isagu cod aqlabiyad ah xilka kaga qaaday Madaxweynihii wadankaas Victor Yanukovic ayaa shaaciyey in doorasha madaxtinimada wadanku dhacayso 25 march ee sanadkan.


Shiikh Isxaaq AlBaqdaadi
isxaaq@alldhooftinle.com