Boosaaso, 28 Jan 2014(Alldhooftinle.com)
Boosaaso oo Laga Mudaharaadayo


Iyadoo ay soo if baxsyso in khilaaf hor lihi uu ka dildilaacayo deegaanada Puntland ayaa hadana waxa dhinac socda shirar doceedyo ay wadaan Isimada deregada koowaad kaas oo lagaga arinsanaayo saami qaybsigii xukuumada Puntland.

Beelaha Bariga iyo Waqooyiga Maamul Goboleedka Puntland ayaa gebi ahaanba aan ku qancin sida qaybtu u dhacday,waxaana dhamaan Puntland saaka laga dareemayaa sansaan colaadeed.

Dhanka kale waxaa jira mudaharaad ay bulshoweynta Sanaag Bari ku baaqday kaas oo lagaga soo hor jeedo maamulka Cabdiweli oo Isbedelkii laga rabay ku bedeley boob qabiileysan, Mudaharaad kan ayaa la sheegayaa inuu ka dhici doono dhamaan Deegaanka Sanaag Bari oo dhan iyadoo ay hogaaminaayaan waxgaradka beeshu


Jar-Caleed Al-Makhzuumi
jar-caleed@alldhooftinle.com