Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Kalyan minaret, 15 Mar 2014 (Alldhooftinle.com)
Dadka Magaalada Chenai (madras) Ee India Ayaa Geeridii Mandela Waxay Ku Dul Baroorteen Sawirkii Morgan Freeman Iyagoo U Haystey Inuu Yahay Sawirkii Mandela.

Iyadoo aanay weli xusuusta dad badan ka bixin beentii ninkii dhegoolayaasha u turjumayey geeridii Nelson Mandela, ayaa waxa dhacay waxyaabo badan oo la xidhiidha geerida Mandela. Maamulka magaalada Chenai (Madras) ee dalka Hindiya ayaa bilaabay inay u baroortaan geerida Mandela, laakiin nasiib darro waxay u barooranayeen Morgan Freeman oo ah nin madow oo filimada Maraykanka metela.

Waxaa la sudhay meel walba sawirka Freeman iyadoo ay la sawiran yihiin Gandi oo Hindiya xornimadeeda u dagaalami jirey, Martin Luther King oo u dhaqdhaqaaqi jirey madowga Maraykanka iyo Mother Teresa oo caawin jirtay caruurta dalka Hindiya. Qoraalka baroordiiqda oo ku qornaa afka Tamiilka ee lagaga hadlo koonfurta Hindiya ayaa tilmaamayey dulqaadkii iyo wanaagii Mandela.

Laakiin markii la ogaaday ninka meel walba sawirkiisa la dhigay in aanu ahayn Mandela, waxaa markiiba raali gelin degdeg ah bixiyey ninkii ka masuulka ahaa howshaa oo la yiraahdo Chandrashekar, wuxuuna qaladka dusha ka saaray dadkii qandaraaska ku qaatay inay tacsida Mandela maamulaan magaalada Chenai.

Waxaa jira in jilaaga Morgan Freeman uu ku meteley filim Mandela, sidaa darteed ay dhalinyaradu u qaateen in Freeman yahay Mandeela sidaa waxa yiri nin ka tirsan shaqaalaha magaaladaas.


Kara-Khanid Khanate Bin Jacfar AlMakhzuumi
Kara-Khanid-Khanate@alldhooftinle.com