Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Kalyan Minaret, 30 Mar 2014 (Alldhooftinle.com)
Ma Waxaasaa Obama Ah, Waxaa Sawiradiisa Saxarada Layskaga Tirtirayo! Ma Laga Yaabaa Khaatumadu Intey Mushkiladaa Qishto Iney Puntland Iyo Somaliland Saxarada Iskaga Tirtirto?

Dukaan ku yaala Koonfurta Maraykanka ayaa la kulmay mudaharaad iyo digniin ah inaan waxba laga iibsan doonin, haddii aanay joojin iibinta waraaqaha loo isticmaalo musqulaha oo Obama ku sawiran yahay. Haweeney la yiraahdo Linda Williams ayaa sheegtay inay tahay markii u horeysay ee ay aragto madaxweyne Mareykan ah oo lagu soo sawiro waraaqaha musqusha.

Dukaanka iibinaya waraaqahan Obama ku sawiran yahay oo ku yaala gobolka Lousiana ee Koonfurta Maraykanka ayaa sheegay inaanay xumaan ula jeedin, laakiin ganacsigoodu kordhay tan iyo intii ay ku soo sawireen Obama. Laakiin dadka madawga ah ee ku nool magaaladaas ayaa ku dhaartay inay gebi ahaanba joojin doonaan inay wax ka iibsadaan dukaankaa oo ay ku tilmaameen mid midab kala sooc kula dhaqmay Madaxweyne Obama.

Raymond Brown oo gudoomiye u ah madawga Lousiana ayaa sheegey in Koonfurta Maraykanku weligeedba caan ku ahayd midab kala sooca, haddana ay ka sii dartay intii Obama xukunka qabtay."Cidina kama hadlin, saxaradana layskagama tirin Bush oo kun jeer ka xumaa Obama, sidaa darteed cunsurinimo ayaa ka muuqata arintan, talaabo ayaanu ka qaadi doonaa dukaankan ay ugu horeyso inaan dadka madoobi waxba ka iibsan" ayuu yiri Raymond.

Sanadkii hore ayaa dabdamiska magaalo la yiraahdo Pompana oo ku taala gobolka Florida waxaa laga helay musqulohooda waraaqahan oo kale oo Obama ku sawiran yahay, laakiin markiiba waxaa soo dhexgalay oo waraaqihii bedeley maayarka magaalada oo sheegey in ay guryahooda ku isticmaali karaan laakiin aanay xarumaha dowlada ku isticmaali karin.


Kara-Khanid Khanate Bin Jacfar AlMakhzuumi
Kara-Khanid-Khanate@alldhooftinle.com