Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Laasqoray, 21 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Magaalada London Oo Hadda Caddaanka Lagaga Tira Badan Yahay Ayaa Ugu Qaalisan Aduunka


Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa koobkii qaalinimada ka qaaday magaalada Tokyo ee dalka Jabaan.

Reer London waxay bixiyaan lacag ka badan inta ay bixiyaan dadka ku nool magaalooyinka kalee aduunka. Tusaale ahaan hal litter oo shidaal ah waxaa London laga siiyaa 1.40 geni, halka Los Angeles oo ugu qaalisan shidaalka Maraykanka ay bixiyaan in ka yar kala badh qiimahaa.

Guryaha ayaa lagu kireystaa bishii 2500 geni una dhiganta 4200 doolar . Hadii aad goosato tikidh aad baska iyo tareenka ku raacdo mudo bil ah waxaa bixinaysaa lacag u dhiganta 215 doolar.

London qaali kuma aha guryaha iyo shidaalka keliya ee wax kastoo aad iibsanaysid waa la mid. Koobka kaafiga ah ee London ayaa 60% ka qaalisan dhigiisa magaalada Rooma. shineemooyinka london waxaa lagu daawadaa 11 geni, halka Singapore oo magaalooyinka qaaliga ah ka mid ahna lagu daawado 5 geni.

Guri ku yaala bartamaha London gaar ahaan Audley Square ayaa bishan lagu kireeyey 65,000 oo geniga Ingiriiska ah, oo u dhiganta 108,000 doolarka Maraykanka ah. Gurigan oo ah shan qol ayaa sanadkii laga bixin doonaa 1.3 milyan doolar.

Magaalada London ayaa waqtigan cadaanka lagaga tira badan yahay ka dib markii ay ka haajireen. Dadka qaxaya ayaa ah dabaqada dhexe waxaana hada cadaanku ka yihiin 45% magaalada London.Cadaanka oo keliya ka qaxi maayaan London ee dadka aan cadaanka ahayn ee aan helin caawimada dowlada ayaa iyaguna u qaxaya magaalooyinka hareeraha ka xiga London.

Garaad Cali Dable Bin Jacfar AlMakhzuumi
garaad-cali-dable@alldhooftinle.com