Pakistan, 3 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Ugu Yaraan Laba Qof Ayaa Ku Geeriyooday Qaar Kalena Waa Ay Ku Dhaawacmeen, Rabshado Ka Dhacay Magaalada Mombasa

Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, rabshado ka dhacay magaalada Mombasa kadib markii boliisku ay galeen masaajid ay la xiriiriyeen dad mayal adag,calankii Al Shabaabna ay ka taagteen.

Boliiska ayaa u isticmaalay gaaska ilmada ka keenta dadkii banaanbaxay, iyagoo ilsmarkaana xidhxidhay dad gaaraya ilaa boqol qof,oo ku dhawaaqaayey Alahu-Akbar.

Laba wadaad oo ka wacdiya masaajidka Mussa ayaa bilihii ugu danbeeyay ay dileen niman hubaysan.

Boliiska Kenya ayaa la xiriiriyay masaajidkan inuu dagaalyahano u qoro ama u diraan kooxda Alshabaab, oo weerartay xarun dukaamo ah oo ku taalay magaalada Nairobi.

Laba Boliiska ayaa mindi lagu dhaaway,waxayna rabaan inay dad rayid ah oo aan waxba geeysan ku dilaan gudaha Kenya , laakiin ka yeelimaynee waanu qabanaynaa, oo Maxkamad soo saaraynaa sidaana waxa yiri Taliyaha Boliiska Mombasa Robert kitur.





Garad AlMakhzuumi
garad@alldhooftinle.com