Pakistan, 3 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Boliiska Somaliland Ayaa Ka Qabtay Gegida Dayuuradaha Ee Hargeysa Saddex Qof Oo Ka Tirsan Dawladda Federaalka Ee Soomaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in ay Boliiska Somaliland ka qabteen Gegida dayuuradaha ee Hargeysa saddex qof oo ka tirsan Dawladda Federaalka ee Soomaliya, iyagoo doonayay ayuu yiri inay si dhuumasho ah ku soo galaan magaalada Hargeysa, dhowaana Maxkamada la hor keeni doono. Saddexda Sarkaal sida uu sheegay Wasiirku waxay kala yihiin:
1) Jaamac Maxamed jaamac oo ah (Dhulbahante), isla markaana ah Madaxa Baratakoolka ee Madaxtooyada Dowladda Soomaaliya.

2) Fahiima Nuur Nageeye oo ka tirsan Xafiiska Ra'iisalwasaaraha Soomaliya (Gedobursi).

3) Cabdicasiis Adam oo ah Dibloomaasi ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya (Habarjeclo).

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland Mr. Cukuse ayaa sheegay in 3 daas qof la sii daayey,shaqo gaar ahna ay u yimaadeen.

Isku soo wada duuboo kala hadalka Wasiirada Somaliland ayaa beryahan ku soo badanaya Xakuumada Simaliland.



Cantar-AlMakhzuumi
cantar-almakhzuumi@alldhooftinle.com