Burco, 4 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Sanadkii Faraska Ayaa China Looga Dabaal Degayaa

Malaayiin qof ayaa isugu yimi si ay u arkaan damaashaadka ka dhacaaya wadanka China oo ay u bilaaban tahay sanad cusub, goobo badanayaa gebi ahaanba buux dhaafay iyadoo ay ku tukanayeen dad fara badani,si ay u helaan mustaqbal wanaagsan sanadkan cusub,dadka u dhashay wadanka china ee iyaguna debedaha ku maqan ayaa iyaguna dabaaldegaas ka sameeyey wadamada ay degan yihiin.

Sanadkan ayaa loogu magacaabaa sanadkii Faraska oo micnihiisu yahay Sanadkii Guusha,ayaa waxa lagu sifeeyaa wax walba oo aad rabto inaad qabsato waad ku guulaysanaysa Sanadka Faraska,sidaasna waxaa sheegay Yang Zongtao oo 60 jir ah ,garoomada diyaaradaha,tareenada,busaska ayaa gebi ahaanba mashquul ah iyagoo daabulaaya dadka sii socda iyo kuwa soo gelaaya wadanka china.

Hawada Beijing oo had iyo goor ciiro badan leh ayaa waxaa sii qaribay waxyaalahii cirka loo ridaayey waqtigii dabaal dega,dadka Korean ka ah iyo dadka Vietnamese ka ah ayaa iyaguna u dabaal dega damaashaadkan,farxadana la qaybsada walaalahooda chinesse ka ah.





Shanfara AlMakhzuumi
shanfara@alldhooftinle.com