Hadaaftimo, 31 Jan 2014(Alldhooftinle.com)
Dadkii U Dagaalamay Midnimada Pakistan Iyo Bangladesh Maalinba Mid Ayaa Lagu Xukumaa Deldelaad. Goorma Ayey Bilaabi Doontaa Somaliland Deldelaadda Dadkii U Dagaalami Jirey Midnimada Soomaaliya!


Hogaamiyaha Ururka ugu lixaadka badan ururada Islaamiyiinta dalka Bangladesh, ururka Jamat-al-Islami, Huggaamiye Motiur Rahman Nizami oo 70 jir ah ayaa lagu xukumay dil deldelaad ah ka dib markii lagu helay denbi ah inuu wadanka Bangladesh ka dhoofin jiray Hub sharci daro ah isagoo markaa u diri jiray dalka ay deriska yihiin ee Hindiya.

Motiur Raxmaan ayaa dhashay 1943 kana mid ahaa ragii diidanaa in Bangladesh ka go'do wadankii Pakistan oo ay ka tirsanayeen intii ka horreysey sanadkii 1971,Isagoo noqday aasaasayaashii Jamhadii Bedr ee dagaalka la gashay Bangladesh markay xorowday.

Hogaamiye Motiur Rahman ayaa la sheegay inuu caawin jiray Jamhada ka dagaalanta Waqooyiga Bari ee Hindiya oo iyagu mudo dheer rabay inay dalka Hindiya ka go'aan.

Waxaa la cadeeyey Motiur waqtigii uu ahaa Wasiirka Wershedaha inuu dhoofiyey Hub Iyo Saanad badan oo Ciidan,kuwaas oo isugu jiray Qoryaha fudud,iyo Bonbooyinka gacanta laga tuuro iyo weliba Hubka Lidka Diyaaradaha.

Waxa kale oo iyagana dilkaas oo kale lagu xukumay 14 qof oo kale laguna helay inay la shaqayn jireen ama gacan siin jireen Hogaamiyahooda , kuwaas oo uu xataa ka mid ahaa Hogaamiyihii Xisbiga United liberation Front Of Asom (ULFA) Paresh Baruah.

Maxkamada xukunka qaadeysey ayaa amaankeeda aad loo adkeeyey iyadoo laga cabsi qabo inay kooxda Jamat Al Islam weeraro ku soo qaadaan.





Cantar-AlMakhzuumi
cantar-almakhzuumi@alldhooftinle.com