Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
UN,15 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Beesha Habar-Gidir Oo Caalamka U sheegeysa Inuu Ugaaslabuhu Irir Samaale yahay Iyo Inuu Daaroodku Waxba Yahay (Eeg Khariidada La Gudbiyey)


Ku: Beesha Caalamka (UN)
Ku: Dowladda Mareykanka (USA)
Ku: Midowga Africa (AMISOM)
Ku: Midowga Yurub (Euro)
Ku: IGAD

UJEEDO: Raad Raac Taariikhdii Halgangii Gubanimo Doonka Soomaaliya iyo Dhaqankii ay ku laheyd Beesha Habargidir Jubooyinka siiba Magaaladda KISMAAYO.

Anagoo ah Saladiinta, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanadda, Dhalinuradda iyo Hooyooyinka waxaan beesha caalamka u soo bandhigeynaa raad raacii tariikhdii halgankii Gobonimo Doonka Soomaaliya iyo Dhaqankii ay ku laheyd Jubooyinka siiba Magaaladda Kismaayo.

Beesha Habargidir waa laf dhabarkii Gobonimo Doonka Soomaaliya waxaa lawada ogyahay in uu hormuud ka ahaa Xisbigii Gobonimo doonka Somali youth League (SYL) Allaha Unaxariistii MARXUUM CABDULLAHI CIISE MAXAMUUD oo taariikhiga ahaa waxaa xusid mudan Habargidir in ay qeybweyn kazoo qaadatay Halgankii Gobonimo doonka Calanka Soomaaliya waqtigii Gumeysigii Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Sanadadii 1925 waxaa suldaan ka ahaa Goboladda Jubooyinka oo looyiqiinay Barigaa BASSO GIUBBA qowmiyadda Degta Deegaanadaas sida:- Dir, Daarood, Hawiye iyo Jareer ninka layiraahdo GARAAD JAAMAC Habargidir (Ceyr) Kadib markuu geeriyoday waxaa waxaa sudaan ka noqday Sanadkii 1945 MAXAMED JIMCAALE Habargidir (Saruur) kadib markii uu geeriyooday Sanadkii 1959 waxaa suldaan ka noqday AXMED TINLE Habargidir (Sacad) Sanadkii 1966 Waxaa suldaanimadii Kala wareegay CALI FAARAX SHIIQ Habargidir (Saleeban) kadib markii uu geeriyooday waxaa suldaanimadii lareegay 1991 XIRSI MAXAMED CABDI (Xirsi Calooley) Habargidir (Saruur) Kadib markii uu geeriyooday waxaa lagu wareejiyay Xilka Suldaanimadda 2005 SULDAAN AXMED XASAN XIRSI Habargidir (Sacad) markii uu geeriyooday Kadib waxaa lawareegay Suldaanimadii SALAAD XIRSI XAASHI Habargidir (Ceyr) ilaa manta asagaa ah Suldaankii Beesha Habargidir ee Jubooyinka Magaaladda Kismaayo.

Beesha Habargidir oo tariikh dheer ku leh Halgankii Jubooyinka aheyd in lasiiyo mudnaanta 1-aad ee Maamul usameynta Jubooyinka hadii cadaalad jirto ee maheyn in la gaar qaado oo ladhiso Maamul aan loowada dhameyn jubooyinka oo loodhiibo Beel aan taariikh gobonimo doon ah kulaheyn Dalka Gudihiisa iyo Dabadiisaba.

Beesha Caalamka waxaa cad ka saarneyn oo ay ogtahay Beesha Habargidir in ay hogaamineysay Gacdoonkii lagu riday Xukunkii Kaligii Taliyaha ee Digtatooriga ahaa iyo xulufadiisii ka saartay Dalka., Habargidir waa Beeshii ka hortimid oo diiday Maamulkii UNISOM oo uu Hogaaminayay MAREYKANKA (USA) oo gaarsiisay Maanta Dalka in uu fursad u helo uu kudhisto Dowlad Faderaali ah oo Democratic ah. Lkn inta ay jirto Cadaalad daro iyo Maamulxumo ma aqoonsan doono mana aqbali doono waana ka hor imaandoonaa Maamul kasta oo an cadaalad ku dhisneyn hadii lakeeno.

Beesha Habargidir waxey beesha Caalamka ugu baaqeysaa in maamul Jubba ee jubooyinka dib loogu qabto Shirweyne dib uhishisiin oo loowada dhan yahay Magaaladda Mogadishu, Faragalin shishiiyana laga ilaaliyo loodaayo kaliyah qowmiyadda dega Deeganadaas o ay ka tashtaan aayahooda mustaqbalka inta laga gaarayo sanadka 2016 Doorashadda xisbiyadda Xildhibaanadda ka qeybnoqonaya Baarlamaanka codbixinta xorta ah (One Man one Vote).

Waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa in aan dib naloogu celinin arintii dagaalka sokeeye ee 1991, iyo xasuuqii iyo burburkii iyo wixii aan ka dhaxalnay oo lama ilaawaanka ahaa.



Wabilahi Towfiiq.


Aayatullaah Alkhaalidi
alkhaalidi@alldhooftinle.com