Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Ressi Medri (Eritrea), 26 Mar 2014 (Alldhooftinle.com)
Aduunka Waxa Ka Buuxa Dad Baadiyoobey Oo Xaqiiqada Iyo Runta Ka Fogaadey, Kuwaasi Waxa Ka Mid Ah Aku Caabuda Jiirka (Dooliga).

In ka badan labaatan kun oo jiir ayaa lagu hayaa meel ku taala Rajastan oo Hindiya ka tirsan. Jiirarkan oo ka nasiib badan kuwa kalee aduunka ku nool, waxaa ka shaqeeya dad badan oo cuntada u kariya, waraabiya isla markaana ka ilaaliya wax kastoo dhib u keenaya.



Jiirarkan nasiibka badan leh waa la caabudaa, waana la baryaa, sida Hindidu kuu sheegayaana waa Ilaahoodii Karni Mata oo soo noolaaday. "Bal taabo dhogortooda lama mid aha jiirarka kale, taas ayaa kuu cadaynaysa inay yihiin Karta Mata oo soo noolaaday" sidaa waxaa ku dooday nin ka mid dadka ka shaqeeya jiirarkaas.

Mar la weydiiyey ka warama hadii Ilaahyadiina ay bisadi cunto ayaa dadkii Hinduuga ahaa ee goobta joogey kaga jawabeen si caro leh. "Bisad iska daaye xitaa libaax iyo shabeel ma cuni karaan Karta Mata ayay tiri haweeney wejigeeda cadho ka muuqatay.

Dadka ku dhaqan magaaladaa iyo gobolada u dhowdhow ayaa bixiya kharashka ku baxa jiirarkaa. Dalka Hindiya oo ay ka jiraan diimo kala duwan, ayaa Hinduugu leeyihiin oo caabudaan malaayiin shay oo kala duwan.



Nagaashi Bin Jacfar AlMakhzuumi
nagaashi@alldhooftinle.com


Ressi Medri Waa Meel Ka Mid Ah Dekedda Magaalada Masawac Ee Eritrea, Waxa Meeshaa Ku Yaal "Ressi Medri Masjid". Masjidkaa Waxa La Sheegay Iney Dhisteen 615 C.D. Asxaabtii Ugu Horreyntii U Soo Haajiri Jirtey Ardul Xabash.