Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Sankor Madrasah (Mali) , 17 Mar 2014 (Alldhooftinle.com)
Dalka Siirilaanka Waxa Laga La' Yahay Nin Ama Naag Deldesha Dadka Dilka Maxkamaduhu Ku Xukumaan.

Dalka Siri Laanka ayaa raadinaya nin dadka deldela, ka dib markii uu soo shaqo tegi waayey nin bishii hore la qoray shaqadaas. Ninka ugu sareeya xabsiyada Sirilaanka Chandrarathna Pallegama ayaa sheegay in jagadani banaanaatay ka dib markii laba nin oo shaqada uga horeeyey ay ku soo noqon waayeen shaqada.

Waxaa codsi u soo qortay shaqadan 176 qof, ugu danbayntiina ninkii ku guuleystay waxaan siinay todobaad tababar ah, laakiin markuu arkay xadhigii iyo qoryhii laysku deldelayey ayuu go'aansaday inaanu soo noqon.

Hadda wixii ka danbeeya ninka aan shaqada siinayno inta aanan tababarka u bilaabin ayaanu tusaynaa meesha dadka lagu deldelo ee uu ka shaqayn doono, si aanu u ogaano inuu shaqada diyaar u yahay iyo in kale. ayuu yiri taliyaha xabsiyadu. Dalka Sirilaanka oo ah dal ay u badan yihiin Buudiisku ayaan la deldelin qofna ilaa 1976, inkastoo ay 450 qof ku xukuman yihiin dil, isla markaana sugayaan deldelaad.

Siyaasiyiin iyo looyaro ayaa ku doodaya in badashada ay sii badanayaan denbiyada dalkaas sida kufsiga, dhaca iyo dilka ay keeneen dowlada oo ka gaabisay inay deldesho dadka danbiilayaasha ee dilka lagu xukumay dalka Sirilaanka.


Al-Qaadi Caqib Bin Jacfar AlMakhzuumi
jacfar@alldhooftinle.com


Sankor Madrasah waxay ku taal waddanka Maali. Sanad-miilaadigii 988 ayuu dhismahaa amarkiisa bixiyey Al-Qaadi Caqib ibn Maxmud ibn Cumar. Kharshka ku baxayeyna waxa bixisay gabadh reer Mandinka ah.