Baydhabo, 4 Feb 2014(Alldhooftinle.com)
Odayada Iyo Islaamaha Ayaa Facebook Ku Soo Badan Doona, Dhalinyaraduna Waa Ka Sii Haajiri Doonaan

Aalada Facebook oo ah Bar ay ku kulmaan Malaayiin qof oo meelo kala fog degan ayaa 10 Jirsay maanta, waxayna ku soo beegmaysaa iyado noqotay Aalada ugu caansan ee aduunka ka jirta, waxaana lagu qiyaasayaa in macaamiisheedu gaadheen ilaa 950 milyan oo qof.

Facebook ayaa waxa aad kor u qaaday dadka dhalinyarada ah, oo iyagu si gaara ugu sheekeysta, badankooduna ay noqdeen kuwo qabatimay oo aan ka maqnaan karin Facebook ,si ay u arkaan saaxiibadooda kale oo Barta Netka ku sugaaya.

Beryahan danbe waxaa la sheegaa inay dhalinyaradu ka yaraan doonto Facebook, halka dadka waaweyni ku soo badan doonaan,waxaa kaloo jira Aalado kale oo iyagana laysugu yimaado ama lagu kulmo sida, Twitter, Instagram, Snapchat, Pinterest, iyo qaar kaloo badan.

Facebook waxaa kaloo loo isticmaalaa xaga Xayaysiiska,iyo Baayac Mushtarka waxayna sanadkii tegey ee 2013 dhammadkiisii keliya sameeyeen ama faa'ideen lacag gaadhaysa $540 Milyan. Isku soo wada duuboo dadka Somalida ah ayaa iyagu Facebook u soo gala Isbarasho, Fan, Suugaan, iyo Warar.





Farxaan AlMakhzuumi
farxaan@alldhooftinle.com