Boosaaso, 1 Jan 2014(Alldhooftinle.com)
Boosaaso oo Laga Mudaharaadayo


Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Maxkamada sare looga yeedhay ka dib markii Mooshin ay ka keeneen Xildhibaano gaadhaya Ilaa 30 kuwaas oo ka biyo diiday sida xukuumada Cabdi weli u jebisey dastuurkii u yaalay Puntland.

Dastuurka Puntland ayaa qoraaya inaan Xakuumada lagu dari karin dadka ka baxsan deegaanka Puntland. Dhinaca kale mudaharaadyo ayaa maanta ka dhacay magaalo xeebeedka Boosaaso kaas oo shacabku kaga soo horgeesteen Xakuumada cusub ka dib markay qaarkood saluugeen saamiga ay ka heleen, halka qaar kalena ay iska waayeen liiska Xakuumada .

Isku soo wada duuboo xakumadan Cabdiweli ayaa ku bilaabantay qalaase iyo cadaalad daro keeni karta in siyaadada Puntland fashilmato.




Cabdala Al Makhzuumi
cabadala@alldhooftinle.com