Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Ressi Medri (Eritrea), 27 Mar 2014 (Alldhooftinle.com)
Nin Ku Bixiyey Lixdan Kun Oo Geniga Ingiriiska Ah Si Uu Isugu Ekeysiiyo Nin Uu Jeclaaday.

Toby Sheldon oo Ingiriis ah ayaa sheegay inuu ku bixiyey 60,000 geniga Ingiriiska ah si uu ugu ekaado wiilka heesa ee la yiraahdo Justin Bieber. Toby oo 30 jir ah ayaa sheegay in wejiga loo buuxiyey, camanka loo kuusay indhaha baalashoodana loo ekeysiiyey kuwa Justin Bieber.

Laakiin Toby ayaa qiraya inaan weli fari ka qodnayn u ekaanta Justin. " Waxaa ii dhiman Daamanka oo la celiyo, iyo tan ugu muhiimsan oo ah inaan qosolkiisa oo kale yeesho. "Waxaan haystaa lacag ku filan qaliimadayda oo dhan, waana arin aan go'aansaday inaan u ekaado wiilkaas heesa, sidaa darteed waxa iga xiga waqti keliya" ayuu yiri 30 jirkaa la yaabka leh.

Mar la weydiiyey sababta uu u doortay inuu qof kale u ekaado ayuu ku jawaabay " Justin dadka dunidoo dhan ayaa jecel ma aha aniga keligay wax igu kooban, qofkii dhaqaale haysta ee awoodaba wuxuu samayn lahaa sidaydoo kale si uu ugu ekaado Justin Bieber.

Toby Sheldon wuxuu qoraa heesaha, wuxuuna sheegay inuu maalkiisa oo dhan u isticmaali doono inuu u ekaado Justin Bieber.



Nagaashi Bin Jacfar AlMakhzuumi
nagaashi@alldhooftinle.com


Ressi Medri Waa Meel Ka Mid Ah Dekedda Magaalada Masawac Ee Eritrea, Waxa Meeshaa Ku Yaal "Ressi Medri Masjid". Masjidkaa Waxa La Sheegay Iney Dhisteen 615 C.D. Asxaabtii Ugu Horreyntii U Soo Haajiri Jirtey Ardul Xabash.